FAAHFAAHIN:- Maxaa ka soo kordhay Hoobiyaashii lagu garaacay Agagaarka Madaxtooyada ?

0

Inta la og yahay Hal Qof ayaa ku dhintay Shan kalena wey ku dhaawacmeen Hoobiyaal Maanta ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan meel u dhaw Iskuulka 15-may oo ku yaalla Dhamarka dambe ee Madaxtooyada.

Guddoomiyaha Degmada Warta-nabadda ayaa Radio Kulmiye u Xaqiijiyay in Qofka Dhintay uu yahay Illmay yar illaa Shan kalena ay ku dhaawacmeen Hoobiyaasha.

Ma jirto Cid sheegtay halka laga soo tuuray Hoobiyaasha ku soo dhacay qeybo ka mid ah Degmada Warta-nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho ayaa Maanta Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada waxaa uga Furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.