FAAHFAAHIN:- 20-qof oo ku geeriyootay Dagaal xoogan oo ka dhacay Mudug iyo Dhaawacyo badan oo la geeyay Gaalkacyo

0

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badanna waa ay ku dhaawacmeen kadib dagaal shalay Subaxii iyo galabkiiba dhexmaray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Dadka Reer miyiga ayaa ka billowday Geel la kala dhacay,waxaana kadib dagaal dhex maray ku biiray Ciidamada Labada maamul ee ku sugnaa aagga dagaalka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la geeyay labada dhinac ee Gaalkacyo,waxaana dadaal lagu joojinayo ka wada Gaalkacyo Maamulladda Galmudug iyo Puntland iyo Odayaasha labada dhinac.

Malleeshiyaadkii dagaallamay ayaa wali isku hor fadhiya goobtii ay shalay ku dagaallameen oo lagu magacaabo Sarjimaale,waxaana jira in ay isu hub urursanayaan wali.

Dagaalkii shalay ilaa xalay dhex marayay labada dhinac ayaa iskii u istaagay maqribkii mana jirto cid kala dhex gashay ilaa hadda dhinacdaasi marka laga reebo maamullada iyo Odayaasha ku howllan in ay dagaalkaasi joojiyaan.