Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Qarax Xoogan oo Maanta ka dhacay Muqdisho

0

Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa Qarax khasaare geystay oo Duhurnimadii maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan agagaarka Suuqa Daawada.

Qaraxa ayaa ayaa la sheegay in lagu riday Bac Madow halkaasi taalay, waxaana xilligii uu Qaraxa dhacayay goobta ku sugnaa dad fara badan.

Wararka qaar ayaa sheegaya xilliga uu Qaraxa dhacayay in goobta ay kusugnaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Maaliyada Degmada Howlwadaag, inkastoo wararkaasi aan si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhimatay 2 Qof halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidanka amaanka ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaano ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay falkan, inkastoo weli aysan jirin cid loo soo qab qabtay falkan.