DHAGEYSO XASAASI:- Tarsan oo xanaaqay “Ra’isalwasaaraha ama Madaxweynaha waa in uu mid is casilaa,kana guuraa madaxtooyada”

0

Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur Tarsan,ayaa sheegay in mar haddii Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha ay musharrax madaxweyne ku dhawaaqeen uu mid kood is casilo si aan loogu takri falin hantida Qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Tarsan,waxaa uu sheegay in Labaduba ay adeegsanayaan Hantida Qaranka oo ay ugu horreeyaan Ciidanka ilaalinaya,Warbaahinta iyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Waxaa uu dhaliil ka keenay in Ra’isalwasaaraha iyo madaxweynaha dalka ay labaduba musharrax madaxweyne noqdaan iyaga oo wali haya xilkii Qaranka islamarkaana maamulaya Hantida shacabka.

Waxaa uu ugu baaqay in ay wareejiyaan Gaadiidka,Ciidanka iyo guryaha ay ka dagganyihiin Madaxtooyada kadibna ay u tartamaan xilka madaxtinimada iyaga oo la siman Musharrixiinta kale ee tartameysa.

Madaxweynaha iyo raa’isalwasaaraha oo Musharrax ah ayuu ku tilmaamay in ay ceebtahay islamarkaana aysan ahayn wax u wanaagsan waddanaka,waxaana uu walaac ka muujiyay sida Hantida Qaranka ay ku nabad galeyso.

HALKAAN KA DHAGEYSO