DHAGEYSO:- Hal Arrin oo loogu digay Hay’adda amaanka ee Maamulka Jubbaland

0

Taliyaha Ciidamada Jubbaland Aadan Maxamuud Aadan ayaa digniin u diray Hay’adaha amaanka ee Maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa sheegay in Hay’adaha laga doonayo in ay sugaan amaanka goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka ee deegaanada Jubbaland ay maamusho.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada amaanka loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan shacabka jubbaland si loogu hortago Cid walbo oo dooneyso iney carqaladeyso goobaha ay ka dhacaan doorashooyinka.

Deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa iney ka dhacaan doorashooyinka la filayo in ay sanadkaan ka dhacaan gudaha Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-