DHAGEYSO:- Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed oo dalbaday in ay Matalaad ku yeeshaan labada aqal ee Baarlamaanka Cusub

0

Shir Jaraa’id oo ay Maanta Magaalada Muqdisho ku qabteen Hogaanka iyo Xubnaha Golaha Naafada Soomaaliyeed ayaa Waxa ay Madaxda Dowladda ugu baaqeen in ay Xubno ka siiyaan labada aqalka ee Dowladda.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay u baahan yihiin in ay ka qeyb galaan Siyaasada iyo Dowladda Cusub.

Guddoomiyaha Golaha Naafada Soomaaliyeed Cali C/llaahi Salaad ayaa Madaxda Dowladda ugu baaqay in il gaar ah lagu eego dadka Baahiyaha gaarka ah qaba.

Sidoo kale Waxaa Warbaahinta la hadlay qaar ka mid ah Xubnaha Gobalaha Naafada Soomaaliyeed, waxayna Madaxda Dowladda ugu baaqeen in Dastuurka lagu Cadeeyo Xuquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Hoos ka Dhageyso Codka:-