DHAGEYSO:- C/Xakiin Cameey “ Puntland go’aanada ay qaadaneyso Cid kalama tashaneyso, Waana u xur cidna kama cabsaneyso”..

0

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay joojinta Dowladda Soomaaliya ay ka joojisay Qaadka Dalka, inkastoo shalay Deegaanada Puntland iyo Soomaaliland Qaad Kenya ka yimid lagu soo dejiyay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ku qaldan tahay kaligeed in ay go’aan iska gaarto taasina Puntland aysan u dulqaadan doonin oo Deegaanadeeda ay xur yihiin Qaadkana uu mar walba ka soo degan karo.

Wuxuu sheegay in Puntland aan lagala tashan in Dalka laga joojiyo Qaadka, taasina ay keentay in Puntland ay fasaxdo Qaadka oo Duulimaadyada ka yimaada kenya ay si toos ah Qaadka u keeni karaan Deegaanada Puntland.

Dhanka kale C/xakiin C/laahi Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa ka hadlay Dagaalka Puntland ay kula jirto Shabaab, wuxuuna sheegay in Deegaanada Puntland amnigooda hada uu yahay mid la isku haleyn karo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-