WAR DEG DEG AH:- Dhawaqa Madaafiicda oo Muqdisho laga maqlayo iyo Xaalad kacsanaan oo ka jirta Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya

0

Tiro Hoobiyaal ah ayaa Goor dhaw ku soo dhacay Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana jira Khasaaro ka dhashay Hoobiyaashaas.

Illaa Afar Hoobiye ayaa ku soo dhacay Meel aan sidaa uga Fageyn Iskuulkii Sare ee 15-May oo ku yaalla Dhabarka dambe Ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Hoobiyaashaas ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Dad Shacab ah oo ka mid ahaa Dadka Degan Agagaarkaas.

Illaa hadda ma jirto Cid Og halka laga soo tuuray Hoobiyaasha ku soo dhacay Degmada Warta-Nabadda ee Magaalada Muqdisho,iyadoo Maanta Madaxtooyada  Soomaaliya uu ka furmay Shirka Madasha wada-tashiga Qaran.