DHAGEYS:- Dagaal ka dhacay gobolka Sh/Hoose iyo Khasaaro ka dhashay

0

Ugu yaraan 3 Ruux ayaa ku dhintay, tiro kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal beeleed uu k qarxay Xaafado ka mid ah Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa weli waxuu ka socda Xaafadaha Degmada Marka oo qiyaas ahaan 110Km u jirta Magaalada Muqdisho.

Goobjooge la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Dagaalka uu salka u hayo aanooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka taagnaa qeybo ka mid ah Xarunta Gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid Hogaamiyeyaasha Maleeshiyaadkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed Nuur lagu Dilay Dagaalkaasi.

Maleeshiyaadka isku haya Magaalada Marka ayaa lagu soo waramayaa in sidoo kale ay dab qabadsiiyeen Ceelbiyood halkaasi ku yaalla.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Marka oo ku aadan Dagaal Beeleedkan la sheegay in uu ka qarxay qeybo ka mid ah Xaraunta Gobolka Sh.Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka:-