DHAGEYSO+SAWIRRO:- Madaxweynaha oo furey Shirka Madasha Hoggaanka Qaranka

0

Muqdisho, 6 September 2016 (Villa Somalia)—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay shirka Madasha Hoggaanka Qaran (Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada).

Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkan uu muhimad gaar ah leeyahay, maadaama goor dhow si rasmi ah loo gudagalayo doorashada 2016.

“Shirkan waxaa uu noqonayaa kii ugu dambeeyay ee Madasha Hoggaanka Qaran, ka hor intaan toos loo gudagelin doorashada taariikhiga ee Soomaaliya ka dhacaysa. Arrimo badan oo muhiim ah ayaa ina horyaalla inaan ka wadahadalno, sida amniga, maalgelinta doorashada iyo imkaaniyaadka kale ee fududeyn kara hawshan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Furitaanka shirkan ayaa waxaa ka qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka , Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Jubbaland, Galmudug, Puntland, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf kale.

 

xas xas1 xas2 xas3

———————-DHAMMAAD————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so