DAAWO: Cali Maxamed Geedi "Musharax Ayaan Ahay U Tartamaya Xilka Madaxweynenimo Ee Soomaaliya 2016".

0

R/wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax U taagan qabashada xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ee sanadkan.

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa ka mid noqday liiska hoos ka furan ee musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkan noqon doona kii ugu dheeraa taariikhda, waxaana la saadaalinayaa inay musharixiinta xilkan doonaya ka bataan 50.

Dhinaca kale Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof: Cali Maxamed Geedi ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya ay gashay hada, Arimaha doorashooyinka, waxyaabaha la isku Khilaafay, Cadaalad Darada, Hogaan Xumada, Amaanka, iyo Ciidanka Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayey magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inayna Haboonayn in beel Gaar ah ay Raadiso Xaquuqda Caasimada, Laakiin dhamaan Bulshada Soomaaliyeed laga wada doonayo Arintaasi, Muqdishana ay tahay Caasimad dadka u dhaxaysa.

Wuxuu ka hadlay Dhacdooyinka la yaabka leh, Wuxuuna sheegay Xubno Xildhibaanada Dawlada ku wada Jira, oo Hadana Guryo kala Haysta.

Isku soo wada duuboo Musharax Cali Maxamed Geedi ayaa siyaasadda ka fadhiyay xilliyadii dambe, marka laga reebo inuu isu sharxay xilka madaxweynaha Soomaaliya 2012 kadibna uu isaga baxay, waxayna dad badan rajo xumo ka muujinayaan rajadiisa xilka uu isu sharxay.

Hoos Ka Daawo

GEEDI

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media