XOG: Mooshinkii Xilkii Looga Qaadi Lahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed Oo La Diyaarinayo.

0

Wararka naga soo gaaraya maanta ilo wareedyadeena ku sugan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Xildhibaanada Mooshinka Diyaarinaya ayaa Madaxweynaha ku eedeenaya wax qabad la’aan iyo in maamulka Galmudug uu noqday maamul magac u yaal ah oon waxba ka qaban deegaanada uu maaulkaasi ka arimiyo.

Sida ay Wararka nagu soo gaarsiinayaan Ilo wareedyadeena Xildhibaano badan oo katirsan Maamulka Galmudug oo ku sugan magaalada Cadaado iyo Muqdisho ayaa wada is aruursi iyo kooxeesi , waxa ayna Xildhibaanadan doonayaan in Mooshin xilka looga tuurayo Madaxweyne Guuleed ay diyaariyaan.

Kalfdahiga Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo lagu waday in uu furmo maalinii shalay ahayd ayaa baaqay kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii uu shirka ku furmi lahaa, waxaana soo baxaya in arintaasi ay tahay mid ay siyaasad ka dambeesay.

Madaxweynaha Galmudug iyo Xubno katirsan Golihiisa Wasiirada ayaa Xildhibaanada taageersan ka codsaday in aysan tagin kalfadhiga Baarlamaanka si uusan u furmi mar walbana u noqdo Kooram la’aan, iyagoona kaga gon leh in kalfadhiga furmin lana mashquuliyo xildhibaanada Mucaaradka ah.

Xildhibaano taageersan Madaxweynaha Galmudug ayaa dhankooda wada qorshayaal ay ku fashilinayaan Mooshinka laga diyaarinayo Madaxweynaha Galmudug, waxa ayna Xildhibaanadan isku balansadeen in aysan tagin Kulanka Baarlamaanka si uusan kalfadhogooda u furmin.

Dhinaca kale Maalinta berito ayaa lagu wadaa in uu mar kale furmo kalfadhiga Baarlamaanka Maamulka Galmudug, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in uu hadana kooramka buuxsami waayo, iyadoona magaalada Cadaado ay joogaan Xildhibaano ka badan inta uu kooramka shirka uu ku furmi karo.

Isku soo wada duuboo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo markii hore wax qabad la’aan lagu eedeenayay ayaa hadana waxaa ugu darsamay xanuuno, Madaxweynaha ayaana dhoorkii bilood lasoo dhaafay arimo caafimaad dalka dibadiisa ugu maqnaa, walow uu hada joogo Muqdisho una yimid ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media