XOG CUSUB:- Gaas oo Muqdisho ku wajahan iyo Sababta ka dambeysa safarkiisa oo la helay

0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, isagoo hogaamin doona wafdi ka socda golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashooyinka Dad-ban ee Puntland.

Madaxweynaha ayaa uga qeybgalaya magaalada Muqdisho shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga ee Soomaaliyeed, si gaar ahna waxaa hadda diirada loo saarayaa arrimo xasaasi ah oo u baahan in la dadajiyo.

Hogaamiyaasha Madasha ayaa kulankan uu noqon doonaa mid kamid ah kuwii ugu dambeeyey oo ay yeeshaan, iyadoo diirada ay saarayaan arrimaha doorashooyinka la filayo in ay ka qabsoomaan Soomaaliya sanadkan dhamaadkiisa.

Madasha ayaa ku heshiisey qorshaha doorashada ee ah in la qabto bisha October ee fooda nagu soo haysa, taas oo maalmo yar ay ka dhiman yihiin shaqo badana aan wali la qaban si rasmi ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in aysan Puntland marnaba dooneyn in meesha laga saaro nidaamyadii horey loogu heshiiyey xili dawladda Faderaalka iyo dawlad gobaleedyada qaarkood ay xusul duub ugu jiraan in Aqalka Sare gabi ahaanba laga tanaasulo oo meesha laga saaro.