TOP DHAGEYSO:- Masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka socda oo ka qeyb galaya Shir looga hadlayo arimaha Xagjirnimada

0

Iyadoo shalay Mas’uuliyiin ka socota Dowladda Soomaaliya ay gaareen Koonfurta Suudaan ayaa waxaa maanta la filayaa in uu halkaasi ka furmo shir loo ga hadlayo arimaha Xagjirnimada.

Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda ka tirsan ee Dalkaasi gaaray ayaa sheegay in shirkan ujeedkiisa ugu weyn uu yahay sidii loola dagaalami lahaa xagjiriinta ama loo wacyi gelin lahaa.

Wuxuu sheegay in shirkan oo kale ay horey ugu soo qabteen Dalal ay ka mid yihiin Kenya, Tanzania, Uganda iyo Ethiopia isagoo sidoo kale sheegay in ay ku qaban doonaan wadamo kale si hal meel looga soo wada jeesto Xagjiriinta.

Xildhibaan Mustaf Cali Dhuxulow iyo Mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Soomaaliya ka tirsan ee ku sugan Koonfurta Suudaan ayaa marka uu soo idlaado shirkan waxa ay kulamo gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxda Dalkaasi.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO