TOP DHAGEYSO:- Haweenkii Xilal raadiska ahaa oo loo deyriyay

0

Haweenka Soomaaliyeed ayaa Sanadihii Dambe waxay kusoo badaneyeen Hogaanka Dalka iyagoo kasoo muuqday meelo kala duwan oo Xilalka Ah.

Intii in kabadan ayey Haweenku raadinayeen oo xitaa Heer Madaxweyne Sanadkaan utartami doonaan waxaan Faadumo Dayib Ay noqon doontaa Haweeneydii ugu horeysay Ee Xil Madaxweyne Soomaaliya Ubaratameysa Taariikhda.

Waxa jirtay qoondo loo diyaariyey Haweenka oo aheyd in 30% ay ka helaan Dawlada dhismeysa hase yeeshee waxaa soo baxeysa Mugdi arintaasi soo gashay oo xitaa intii loo ballan qaaday aysan heli doonin.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo Warbaahinta la hadashay waxay Cadaalad daro ku sheegtay in Odayaasha Dhaqanka ay ucadeeyeen in Xaqii Haweenka aysan heynin oo doorasho ay tahay hadii ay kusoo baxaana la arki doono.

Batuulo Gabale iyo Xubno katirsan Gudiga Doorashada Qaran iyo Mid Heer Federaal ayaa tagey Dhawaan Maamul Gobolleedyada qaar waxaana ay sheegtay in weji gabax ay kala soo kulmeen Odayaashii ay la shireen Baaqna ay ujeedinayaan Dawlada Soomaaliya.

 

HALKAAN KA DHAGEYSO