WAR DEG DEG AH:- Somaliland oo ka soo horjeesatay go'aankii Dowladda Soomaaliya, sheegtay in qaadka laga soo dajin karo Garoomada Somaliland

0

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanu khuseyn go’aanka ay dawladda federaalka ku hakisay duullimaadyada qaadka ee ka yimaada Kenya.

Wasiirka gaadiidka ee Somaliland Farxaan Adam Haybe, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha Jaadku isticmaali karaan garoomada diyaaradaha ee Somaliland ku yaalla .

Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa dhinaca Itoobiya dhulka ayuuna soo maraa, balse magaalada Laascanood waxaa maalin kasta ku dagta diyaarad sida qaad oo ka timaada Kenya.

la soco Wixii soo kordha..