DEG DEG: Galmudug Oo Ciidankii Ugu Badnaa Geysay Gaalkacyo (Akhri Sababta

0

Wararka saakay naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug.

Galmudug ayaa saakay waxay ciidamo badan geeyeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaana ciidankaan ay yihiin kuwo aad iyo aad u hubeysan.

Lama oga ulajeedka ciidankaan loo geeyay halkaasi, balse waxaa loo badaniyaa xiisadda ka taagan degmada Gaalkacyo oo maalmahanba jirtay.