WAR DEG DEG AH:- Dowladda Soomaaliya oo joojisay Diyaaradihii qaadka keeni jiray Soomaaliya ka dib markii la arkay hal Arrin

0

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u joojisay dhamaan duulimaadyada qaadka ee keeni jiray Soomaaliya laga bilaabo Maalinta berito ah oo bisha September ay tahay 6.

Wasiirka Wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa sheegay in duruufo jira awgood ay si kmg ah u joojiyeen duulimaadyada qaadka ee keeni jiray Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo sababta keentay iney go’aankaasi qaataan.

la soco wixii soo kordha…