DAAWO:- Sawiro Cajiib ah oo laga soo qaaday Gaarigii Maanta ku qarxay muqdisho iyo dadka oo ka naxay qaabkii uu u gubtay

0

Qarax Gaari ayaa Duhurnimadii maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana Gaarigan uu ahaa mid yaalay wadada dhinaceeda.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Saldhiga Degmada Waaberi, gaar ahaan ka soo horjeedka Hotelka Maka Al-Mukarama oo aanan sidaasi kaga fogeyn Saldhiga Degmada Waaberi.

Gaariga halkaasi ku Qarxay ayaa la sheegay noociisa inuu yahay Gaari SURF ah oo aanan la garaneyn cida iska leh iyo bartilmaameedka laga lahaa.

Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Labo Qof, iyadoo aysan jirin wax dhimasho ah, waxaana Gaadiidka Dab Damiska Maamulka Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen daminta Gaariga ku Qarxay wadadaasi.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Q4 Q1 Q2 Q3