VOA -Ma Idaacad mise Maqaaxi ?.

0

Waxaan shaki ku jirin in taariikhdu ay wax walba markhaati ka noqon doonto, waqtiga hadda la joogana aan dadka Soomaaliyeed la khaldi karin oo aan banooni ama kubbad been been ah loo cayaari karin, shaki kuma jiro in warbaahinta af-soomaaliga ku hadasha ay ugu magac weyn tahay uguna caansan tahay BBC SOMALI SERVICE ama laanta af-soomaaliga ee BBCda waxaan ka mid ahay dadka muddada dheer dhegeysanayey oo aad u xiiseyn jiray, waana idaacad ku dhisan dhexdhexaadnimo iyo ilaalinta magaceeda iyo sumcadeeda, waxaa soo maray oo ka soo shaqeeyey weriyeyaal caan ah oo dhegeystayaashu aad u jeclaayeen xirfaddooda weriyennimo iyo kartidooda sida : Abdullahi Haji, Mustafa H. Nor , Idiris HassanDirie,Said F. Mohamud iyo kuwa kale inkastoo muddooyinkan dambe qudheedu wax badan ka khaldameen laakiin weli waxaan u hestaa shakhsiyan in ay tahay
idaacaad magac iyo sumcad leh .

Waxaa 10 sano ka hor suuqa warbaahinta soo galay VOA (Voice of America) laanteeda af- soomaaliga oo ku soo biirtay laamaha afafka kala duwan ee VOA raggii aasaaska u dhigay waxay markoodii hore ka tirsanaayeen laanta af-soomaaliga ee BBCda ma garanayo ujeedada dawladda USA ka laheyd iyo danta ugu jirta waxanse qiyaasayaa in Ameerikaanku dano gaar ahka leeyihiin dadka iyo dalka soomaaliyeed iyo duruufaha dunida
ee cusub laakiin VOA Somali Service waxay markiiba tartan la gashay BBC Somali Service waxaana yimid weriyeyaal caan ahaa sida AUN Ahmed H. Cawke iyo Abdisalam Hereri inkastoo aanay ku daahin oo markiiba ka tageen, sida dad badan la socdaan waxaa aasaasayaashii VOAda af-soomaaliga ku hadasha ka mid ahaa oo isaguga markiiba ka tagey Mohamed O. Ahmed (Haydara) oo ahaa weriye caan ah oo aad loo xushmeeyo warbaahintana muddo dheer ku soo jiray, iyo sidoo kale weriya Ali Xaraare ma garanayo sababta weriyeyaasha caanka ay meesha uga tagayaan mar walba, waxaanse aragnaa weriyaal cusub( Juniors ) oo mar walba yimaada
iyo kuwii waaweynaa (Seniors ) oo meesha ka yaaca.

Si kastaba ha ahaatee waxaan daawaday oo aan dhegeystay barnaamij ay VOAda af- soomaaliga ku hadasha ay qabanqaabisay kaas oo loo bixiyey kullan dadweyne oo Muqdisho iyo Minneapolis ka dhaxeeya waxaa ka soo qeybgalay dad lagu sheegay dhallinyaro iyo Madaxeywenaha Somalia Hassan Sh. Mohamud wuxuu iigu muuqday barnaamij xayeysiis iyo iidheh loogu samynayo ololaha doorashada ee madaxweynaha oo xitaa loo diray weriye Washington ka tagey iyadoo Muqdisho ay joogaan ugu yaraan 3 weriye oo VOAda u shaqeeya, waxay arrintani sii fogeysay oo ay god dheer ku sii riday sumcad xumaddii iyo sharaf darradii ay markii horeba la ildarneyd VOA runtii waana wax ka baxsan nidaamka iyo xeerarka ay idaacaha waaweyn ku shaqeeyaan, waana muuqataa in kullankaas aanu wax micna ah u sameyn guud ahaan Soomaaalida iyo gaar ahaan Muqdisho oo rubac qarni ( 25 sano ) ka dib la ildaran oo la liidata dhiig daata iyo ammaan darro aad moodo in loogu duceeyey .

WQ: Zeylici Aden Urur
yabdi69@hotmail.com
Toronto-Canada.