TOP DHAGEYSO:- Masuuliyiin Dowlada ka tirsan oo eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland

0

Xubno ku jira Baarlmaanka Dowlada Fadaraalka soomaliya ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aan u dhalan Sida ay shegeen Gobalka Mudug uu hurinayo Colaad ka dhacda Magalada Gaalkacyo waxana ay shaaca ka qaadeen in uu ka leeyahay dano gaar ah iska hor keenida shacabka gobalada mudug.

Xildhibaan C-qaadir Qalabxoor oo ka mida Baarlmaanka Dowlada Fadaraalka soomaaliya  oo la hadlay saxaafada  ayaa sheegay in hurunta ina camey madaxweyne ku xigeenka puntland uu ka wado gaalkacyo ay tahay mid shacbka labada dhinac la isaga horkeenayo waxana uu tilmaamay in xirnaanshaha iyo  hadalka uu shegay ina camey uu yahay mid caburin ku ah ganacsiga xorta ah.

Wax uu ka codsaday madaxda galmudug in ay u diirnaxaan shacabka puntland iyo ganacastada  iyo sidoo kale xoolaha ku dayacan duleedka gaalkacyo kuwaasi oo la rabay in loo gudbiyo bosaaso waxana uu madaxda galmudug  ka codsaday in ganacsatada dhiban ee puntland loo asxaan falo.

Warayiga xildhibaanka oo uu arimo badan ku faaqiday aya waxa uu  sidoo kale ka hadlay danaha coladaha gaalkacyo hurinteeda laga leeyahay.

HALKAAN KA DHAGEYSO