TOP DHAGEYSO:- 50-gaari oo ku xaniban Duleedka Gaalkacyo iyo Ganacsato ka soo jeeda Deegaanada Galmudug iyo Koonfurta

0

Maxamed cabdullaahi oo ka mid ah gaadiid leeyda badeecooyinka kasoo qaada dakada boosaaso una gudbiya deegaanada ku yaal koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ayaa sheegay in deegaanka halaa booqad ee duleedka gaalkacyo ay xiligaan ku xanibanyihiin 50 gaari oo xamuul ah oo u rarnaa ganacsato kasoo jeeda deegaaanada galmudug iyo gobalada koonfureed ee soomaaliya.

Maxamed cabdullaahi ayaa sheegay in maamulka puntland uu qaab aan wanaagsanayn ula dhaqmay ganacsatada aan kasoo jeedin deegaaanada puntland wuxuuna ku baaqay in dawlada fadaraalka soomaaliya ay soo fara galiso dhibaatada lagu hayo gaadiid leeyda kasoo jeeda koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ee ku sugan deegaanada puntland wuxuuna maamulka puntland ka dalbaday in aysan kala soo cin umadda soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Dhanka kale cabdi wali faarax cawaale oo ku magac dheer bariise kana mid ah golaha deegaanka dagmada gaalkacyo ee galmudug ayaa ugu digay maamulka puntland in uu sii hayo gaadiidka haatan ku xaniban duleedka magaalada gaalkacyo wuxuuna ku baaqay in maamulka puntland uu gaadiid kaas si shuruud la.aan ah kusoo daayo ayna ilaa liyaan daris nimada dadyowga reer mudug ee galmudug iyo puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO