TOOS U DHAGEYSO:- Maxaa Hada ka socda Magaalada Beledweyne ?

0

Dibadbaxan oo ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan ee rayidka ah magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay socod dheer ku mareen wadooyinka waa weyn ee magaalda Beledweyne.

Dadka Dibadbaxa dhigayay ayaa waxa ay wateen boorar ay ku taageerayeen Duubabka Dhaqanka Beledweyne iyo kuwo ay kaga soo horjeedaan shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Odayaasha iyo Waxgaradka maanta Banaanbaxa dhigay oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay urur goboleedka IGAD ugu baaqeen in ay faraha kala baxaan arimaha shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in muhiim ay tahay in laga dhexbaxo dadka reer Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe si ay uga tashtaan aayahooda.

HALKAAN KA DHAGEYSO