Obama oo sheegay in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee Turkiga

0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa sheegay in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga ka dhacay.

Obama ayaa sheegay inaan marnaba loo dulqaadaneyn dadkii ka dambeeyay masuuliyada Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga, isaga oo muujiyay sida uu kaga xun yahay ficilkaasi.

Hadalkaan ayaa Obama wuxuu ka sheegay kulan ay wada qaateen Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kulankaasi oo ka dhacay Shirka G20 ee ka socda Hangzhou.

Madaxweyne Obama ma uusan soo hadal qaadin arinta ku saabsan Wadaadka Dowladda Turkiga ay doon doonayaan ee ku nool dalka Mareykanka, kaasi oo si weyn loogu tuhmaayo ku lug lahaanshaha Afgambigii fashilmay ee dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa horay uga dalbatay Mareykanka inay u soo gacan geliyaan Wadaadka lagu magacaabo Fatxullah Gulen oo si weyn Turkiga ay ugu eedeeyeen inuu ka dambeeyay Afgambiga fashilmay ee dalkaasi.

Intii uu shirka u socday Obama iyo Erdogan ayaa sidoo kale waxa ay ka wada hadleen arimaha ku aadan dagaalada ka socda dalka Syria.