Meydka Taksiile Soomaali ah oo laga helay Jasiiradda Tromso

0

Wararka laga helayo Jasiirada Tromso ee waqooyiga dalka Norway ayaa sheegayo in aroornimadii saakay halkaasi laga helay meydka wiil Soomaali ah oo aanan lagaraneyn cida dishay.

Wiilkaan ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Soomaalida taksiilayaasha ah ee ku nool dalka Norway, waxaana boliiska dalkaasi ay shaaciyeen in ay ku daba joogaan cida ka danbeysay dilka wiilkaan dhalinyarada ah.

Allah u naxariistee geerida wiilkaan dhallinyarada ah ayaa welwel xooggan ku abuurtay jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Tromsø.

Guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tromsø, Mustaf cumar Faarax oo ah oo la hadalay warbaahinta ayaa sheegay in wiilka dhintay ay walaalo ahaayeen islamarkaana aanan lagaraneyn cida ka danbeyso dilkiisa, waxa uuna xusay in ciidamada boliiska ay wadaan baaritaano ku aadan geerida wiilka oo ahaa taksiilaha ka shaqeeya jasiirada Tromso ee dalka Norway.

Allah u naxariisto Caydaruus cumar Faarax ayaa kamid ahaa dhallinyarada ka shaqeysata magaalada Tromsø ee Woqooyiga dalka Norwey isagoo muddo dheer Taxi uga dhex shaqeyn jiray gudaha magaalada.