DHAGEYSO:- Madaxweynaha Soomaaliya “Bankiga Dhexe waxa ka dhacay musuq maasuq ma ahayn waa xatooyo” dadkii Xadayna gacanta ayaa lagu hayaa”..

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka hadlay lacago bishii hore ee August laga xaday Bankiga Dhexe Somaliya, inkastoo aanu sheegin cadadka lacagahaasi.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa sheegay in baaritaano adag la marsiiyo dadka ka shaqeeyo Bankiga Dhexe, ha yeeshee falkii ka dhacay aanu ahayn musuq maasuq, balse uu xatooyo yahay.

“Bankiga dabcan dadka loo shaqaalaynayo baaritaan badan ayaa la marsiiyaa, amnigooduna waala hubiyaa, laakiin Bankiga waxa ka dhacay musuq maasuq maahanee waa xatooyo. Waxaan u maleynayaa musuq maasuq iyo xatooyana labo ayay kala yihiin, isuma darsana.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha, ayaa yiri “Bankiga Dhexe Somaliya lacago xatooyaa ka dhacday, dadkii khasnadda ka shaqaynaayay dad ka mid ah ayaa lacagtii Bankiga khasnadda ugu jirtay, lacag been abuur ku bedelay oo dollar ah. Dollar inta qaatay dollar been abuur ah khasnaddii geliyay.”

Madaxweynaha, ayaa ku waramaaya in Booliska, Nabad Suggida iyo Xeer Ilaalinta ay iska kaashanayaan baaritaanka lacagahan, isagoo intaa ku daray in masuuliyiin la xir xiray, waxna laga weydiinaayo lacagahaasi.

“Saddex hay’adood oo kala duwan oo hay’adaha amniga dalka ayaa baaritaankaas gacanta ku haaya. Booliska, Nabad Suggida iyo Xeer Ilaalinta ayaa baaraaya. Dad masuuliyiin ah oo Bankiga ah ayaa su’aalo laga weydiinayaa, oo qaarkood la xiray, su’aalano ku socdaan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cadeeyay in gacanta lagu soo dhigay dad lagu tuhunsan yahay falkaasi, halka kuwo kalana sida uu sheegay lagu daba jooggo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-