DHAGEYSO:- Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya Ciidanka Puntland oo Xiray Shirkada Golis ee Magaalada Garoowe

0

Ciidanka ammaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed Puntland ayaa saakay xiray Xarunta Shirka isgaarsiinta ee Golis ay ku leedahay magaalada Garoowe.

Sababaha loo xiray ayaa lagu sheegay in ay tahay ka dib markii Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Camey uu amray in shirka laga qaado canshuuro dheeri ah ayna diideen madaxda shirka in ay bixiyaan canshuurtaasi oo ay ku tilmaameen mid baad ah.

Ciidamo gaar ah oo la sheegay in ay ka socdaan xarunta Madaxtooyada ayaa si xoog ah ku galay xarunta , waxayna kala cayriyeen shaqaalihii shirka.

Wararka ayaa sheegaya in marka ay ciidamo soo galaayeen xarunta ay ka maqnaayeen Madaxda Shirka ayna jireen tacsida mid ka mid ahaa mas’uuliyiinta shirka oo shil Gaari ku dhintay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-