DHAGEYSO:- Dagaal Xoogan oo ka dhacay degmada Bardaale iyo Khasaaro ka dhashay

0

Wararka naga soo gaaraya degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaano hoos yimaada degmada Bardaale ee gobolka Baay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ay howgallo ka bilaabeen deegaano hoos yimaada degmada Bardaale.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada degmada Bardaale ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shaabaab dagaal ka dhacay duleedka degmada Bardaale .

Cali Cadow Isaaq ayaa sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howgallada ka dhan ka ah ururka Al-Shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka:-