WAR DEG DEG AH+SAWIRO:- Hotel ku yaallo Muqdisho oo hada ay ka Socoto Arrin dan u ah Cali Ameeriko iyo Siyaasiyiin Goobta ka hadlaya oo sheegaya..

0

Waxaa Magaalada muqdisho ka soconayo Xaflad weyn oo ay ka qeyb galayaan Masuul sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ambassador Maxamed Nuur Cali “ Ameeriko” ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweyne ee Sanadkan 2016.

Waxaa hada socota Munaasabada uu ku shaacinayo Maxamed Cali Nuur “ Ameeriko” uu ku shacinayo inuu u taagan yahay qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka Soomaaliya.

Xaflada ayaa waxaa ku sugan Masuuliyiin ka tirsan labada Golle ee Dowlada, Masuuliyiin hore, Siyaasiyiin, Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha uu ka soo jeedo iyo Marti Sharaf kale.

Sidoo kale waxaa goobta ku sugan oo Hees u gaar ah Cali Ameeriko Xaflada ka qaadayo Fanaaniin iyo Kooxaha fanka ee heer gobol iyo Heer Qaran.

la soco Wixii soo kordha…

Hoos ka Daawo Sawiro hordhac ah:-

Ameeriko 1

 

Ameeriko 2