WAR DEG DEG AH:- Banaanbax weyn oo hada ka socda Magaalada Baladweyne

0

Bannaanbax looga soo horjeedo Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo qorshaha dowladda iyo IGAD ayaa ka socda magaalada Baledweyne.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dadka ku nool Magaalada Beledweyne kuwaasi oo muujinaya dareenkooda ku aadan sida ay kaga soo horjeedaan qorshaha Dowladda iyo IGAD ay wadaan ee ku aadan Shirka Jowhar.

Boqolaal dad ah oo isugu jira dhalinyaro, haween, Odayaal iyo Siyaasiyiin ayaa Banaanbaxa ku dhigaya Magaalada Baledweyne, waxa ayna sheegayaan inay ka soo horjeedaan qorshaha IGAD iyo Dowladda ay wadaan.

 

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media