DAAWO MUUQAAL:- Shacabka Laascaanood oo galabtay Dab qabadsiiyey Gaadiid dagaal & Xaaladdihii u dambeeyey

0

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa xaqiijinaya in ay magaalada hadda gacanta ku hayaan dadka deegaanka, oo maanta duhurkii dagaal la galay ciidamada maamulka Somaliland.

Gaadiidka dagaal ee Somaliland  ayaa ka baxay gudaha magaalada, iyagoo hadda kusugan dhanka Koonfureed ee Laascaanood, waxaana aan jirin haba yaraatee cid maamuleysa xarumahoodii ciidamada.

Saldhiga, Qeybta, Bangiga & Gurriga Maamulka ayaa ah kuwa cidlo ah, waxaana maanta galay ciidamo deegaanka ah oo careysan, kuwaas oo ka caroodey dil saaka si bareer ah la sheegay in ay gudaha magaalada uga geysteen ciidamada Somaliland.

Warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in ay hadda ciidamadaas ku soo wajahan yihiin gudaha magaalada, inkastoo dadka deegaanku ay ku jiraan xaalad feejignaan ah oo ay cabsi ka qabaan duulaan culus.

Ilaa hadda cid si rasmi ah uga hadashay majirto xaaladdan ka taagan magaalada Laascaanood, iyadoo warar soo baxay ay sheegayaan in ay jiraan ciidamo hubeysan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Laascaanood oo ka soo baxaya dhinaca ciidamada Somaliland.

HALKAAN KA DAAWO