DAAWO:- Madaxweyne Mugabe “Haa waan dhintay waa run, hadana dib ayaan u soo noollaaday”..

0

Madaxweynaha Wadanka Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa maanta si kaftan ah kaga jawaabay wararka sheegaaya in uu arrimo caafimaad u aaday Magaalada Dubai ee Wadanka Emirate-ka Carabta.

Warbaahinta Zimbabwe, ayaa qortay in Madaxweynuhu uu caafimaadkiisu liito, sidaasi daraadeedna uu caafimaad u jooggo Magaalada Dubai.

Warbaahinta qaybteeda, ayaa tebisay in Madaxweynuhu uu geeriyooday, iyadoona ay dadka reer Zimbabwe hadalhayeen wararka soo galay suuqa.

Waxayse arrintu is bedeshay markii uu maanta ka soo degay Garoonka Magaalada Harare, ayna ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano iyo Saraakiil ciidanba.

Madaxweyne Robert Mugabe oo la hadlay Warbaahinta, ayaa si kaftan u sheegay in uu geeriyooday, balse uu markale soo noollaaday, sida aan sameeyo buu yiri markasta.

“Haa waan dhintay, waa run waan dhintay, hadana dib ayaan u soo noollaaday, sida aan sameeyo markasta. Kolka aan dib ugu soo laabto dalkayga, waxaan noqdaa dhab.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Mar uu ka hadlaayay waxa uu u tagey Dubai, ayuu ku sheegay arrimo ku aadan qoyskiisa.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa waxaa Caasimadda Harare ka socday bannaanbaxyo looga soo horjeedo Mugabe, markii uu sheegay in markale uu isu soo taaggi doono madaxtinimada dalkaasi, sanadka 2018-ka.

Mugabe oo 92 jir ah, ayaa soo maamumaalayay dalkaasi, tan iyo markii uu madax bannaanidiisa ka qaatay Britain, sanadkii 1980-kii. Mugabe waa hogaamiyaha ugu da’da wayn Qaaradda Afrika.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Mugabe (1) Mugabe Mugabe1

Zimbabwe's President Robert Mugabe arrives home from abroad at the capital's main airport in Harare, Zimbabwe, September 3, 2016.  REUTERS/Philimon Bulawayo     TPX IMAGES OF THE DAY      - RTX2NYHM
Mugabe3

 

Zimbabwe's President Robert Mugabe arrives home from abroad at the capital's main airport in Harare, Zimbabwe September 3, 2016.  REUTERS/Philimon Bulawayo - RTX2NYHS

Zimbabwe's President Robert Mugabe arrives home from abroad at the capital's main airport in Harare, Zimbabwe September 3, 2016.  REUTERS/Philimon Bulawayo - RTX2NYHS