Xuutiyiinta Dalka Yemen oo Carruur Soomaaliyeed Askareysay iyo Xildhibaano ka soo horjeestay

0

Xildhiban ka tirsan Golaha Baarlamaanka yemen  la yirahado Cusmaan Xuseen Fayid Majali   ayaa shaaca ka qaaday in maleeshiyaadkii horseedka ka ahaa afganbigii dhiigu ku daatay ee ka dhacay dalka yemen  ay   deegaanka Sacda  ka qorayaa caruurta qaxootiga deegaanka oo ay ugu badan yihiin kuwa soomaalida.

Xidhibaanku waxaa uu sheegay in sababa ay maleeshiyadu u qoranayaan waqtiga carruurta qoysaska qaxootiga  Gobolka ay tahay  askareyn si ay uga bar bar dagaalamaan askarta maleeshiyaadka .

War qolaar ha oo  ka oo ay soo saartay jariiradda Oka ee laga leeyahay dalka sacuudiga ayaa sheegtay in falaagada xuutiyinta  yemen ay si weyn uga faa’iideysteen  xaaladaha bini’aadanimo ee qaxootiga haysta gaar ahaan  carruurta  sida in ay shaqaaleysiiyan  oo kale.

Majaladda ayaa qoraalkeeda intaasi ku dartay  in caruurta  ay falaagadu askarta u qoraneyso  ay ka soo jedaan qoysaska  dheeraadka ah ee afrikanka ah  kuwaaso ku tagay dalka yamen  si aan joogto ahayn tiradooduna ay ka badan tahay  halnmilyan oo ruux  oo inta badana ay yihiin kuwo ka  tagay dalka soomaliya.

Dhiniciisa wakiika  gobolka Taiz Anas  Al-Anhari  ayaa caddeeyay  in badi qaxootiga gobolku  ay ku yimaadeen si aan sharici ahayn .