DEG DEG:- Xiisad xoogaan oo ka taagaan Gobolka Sanaag

0

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xiisad u dhaxeeysa laba beelood oo walaalo ah ay ka taagan tahay deegaanka Ceel Lafweyne iyo sidoo kale deegaano kale oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Dhawaan dagaal ka dhacay gobolka Sanaag waxaa ku dhintay ku dhawaad 7 qof 10 kalena dhaawac ayaa soo gaaray .

Dad goobjoogaal ah ayaa kusoo waramaya in xaaladu ay saakay kacsan tahay , islamarkaana la filankaro dagaal ka dhaca deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa Wada dadaalo lagu doonaayo in lagu hakiyo in uusan dagaal dambe ka dhacin deegaanka Ceel Lafweyne ee gobolka Sanaag.

Wararka ayaa sheegaya Maleeshiyaadkii ku dagaalamay deegaanka Ceel Lafweyne ay wadaan hub aruursi.

La soco Wixii soo kordha…