TOP NEWS:- Jean Ping oo sheegtay madaxweynenimo, kuna dhawaaqay hal Arrin

0

Hoggaamiyaha mucaaradka dalka Gabon Jean Ping ayaa ku dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalkaasi.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Libreville ayaa waxa uu mar kale ku celiyay dalabkiisa ah in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay doorashadii toddobaadkii hore ka dhacday dalkaasi.

Madaxweyne Cali Bongo ayaa doorashadaasi ku guuleytay codad gaarsiisan 60 kun oo kaliya, waxaana arrintaasi ka dhashay dibadbaxyo rabshado wata oo ay ku dhinteen shan qof halka kummanaan kalena xabsiga la dhigay.

Taageerayaasha mucaaradka oo muddo saddex maalmood ah ku xayirnaa gudaha xarunta xisbigooda ayaa hadda loo ogolaaday in ay halkaasi ka baxaan.

Ciidamo ayaa isku gaadaamay dhismahaasi kaddib markii mucaaradka madaxweyne Bongo ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamanka dalkaasi.