TOP NEWS:- Furitaanka Shirka Maamul u Sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dib u dhacay

0

Waxaa dib u dhacay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellada Dhexe ee maanta ka furmi lahaa magaalada Jowhar.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa  socda qabanqaabada Shirka, ciidammada AMISOM oo aan markii hore ku sugnayn gudaha magaalada ayaa la wareegay sugidda ammaanka iyo goobta uu shirku ka dhicidoonaba.

Shirka ayay u muuqataa in uu dib ugu sii dhici doono Isniinta sida uu noo sheegay qof xog ogaal ah.

Balse, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku sugan Beledweyne ayaa diidan in shirkaasi ay ka qeybgalaan.

Odayaashan waxay dalbanayaan in gobolka Hiiraan la kala qeybiyo oo laba gobol laga dhigo.

Ayadoo caqabadahaasi ay jiraan ayey dowladda iyo ururka IGAD waxay doonayaan in la furo shirka sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Cabdi Afey oo ah wakiilka IGAD ee Soomaaliya.

“Odayaasha waxaan ka codsaneynaa in ay shirka ka qeybgalaan, hadeysan dooneynna cid ku qasbeysa ma jirto”. Ayuu yiri Afey.

Wuxuu intaasi raaciyay in dhismaha maamulka ay dan ugu jirto dadka labadaasi gobol, ayna muhiim u tahay in ay ka qeybgalaan.

Xigasho BBC