DHAGEYSO:- Taliska Amisom oo Beesha caalamka ka dalbaday in laga caawiyo ka hortagga Qaraxyada Miinooyinka Al-Shabaab

0

Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya Amisom ayaa beesha caalamka ka dalbadey in laga taageero sidii ay uga hortegi lahayeen miinooyinka qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaan (IEDs) gudaha dalka Somaliya.

Taliye ku xigeenka ciidanka Amisom Nakibus Lakara sheegay in qaraxyada ay sababaan miinooyinka la dhiso ay yihiin kuwo khatar badan, waxaana ay u baahan yihiin baaritaano in lagu sameeyo iyo tababaro la siiyo ciidamada baaraya, sidoo kale ayuu sheegay in loo baahan yahay qalab casri ah oo looga hortago la helo.

“Bomka iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay caqab ku noqdeen hawlgalada ciidamada Amisom, kuwaas oo awoodoodu xadidadan tahay, kumana filna in ay ka adkaadaan Miinada dhulka lagu aaso”ayuu yiri.

Amisom ayaa si rasmi ah u dalbatey in Beesha caalamku ku taageerto khubaro iyo qalab casri ah oo looga hortago qaraxyada miinooyinka, kuwaas oo noqdey hubka ugu weyn ee Al-Shabaab ay hadda kula dagaalamayaan.

Lakara ayaa sheegay in Al-Shabaab ay hadda bilaabeen in ay dhisaan Bom aad u culus kuwaas oo gaaraya 80kg.

Baaqa ka soo baxay Amisom ayaa ku soo aadayaa, xilli Shabaabka ay kordhiyeen qaraxyada ay la beegsanayaan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Somaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-