Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo maanta ka Furmaya Jowhar

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maanta lagu wado xubno ka socda dowladda Soomaaliya in ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u furaan wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo IGAD ayaa horay u shaaciyay in Odayaasha dhaqanka ee labada gobol ay diyaar u yihiin dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Shacabka ku nool Magaalada Jowhar ayaa soo dhaweeyay in uu dib u bilowdo dishmaha Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe isla markaana shacabka ku nool labada gobol ay helaan Maamul ay ku wada qanacsan yihiin.