Heshiiskii Somaliland iyo Sharikadda DPWorld ee Dekadda Berbera oo fashilmay..

0

Wararka ka imanaya Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraatka Carabta ayaa sheegaya in uu fashil ku soo dhamaaday heshiis Maamulka Somaliland uu la galay Sharikadda Dubai Ports ee Dalka Imaaraatka taas oo dib u dhis iyo casriyey ku sameyn lahayd  Dekadda Magaalada Berbera kulana heshiisay Maamulka Somaliland.

Is afgaradka laba dhica ayaa horay u dhacay waxaana meel mariyay Golaha Wasiirrada iyo Wakiillada Maamulka Somaliland.

Xasaasiyad badan ayaa ka taagneyn is afgaradkaas oo sheegayay in 35%Dakhliga Dekadda ay qaadato Somaliland halka 65%siinayay Sharikadda Imaataariga ah ee DPWorld.

Fashilkan ayaa yimid ka dib markii Wafddi ka socday Somaliland ay Dubai u tageen dhameystirka is afgaradka loona beddelo heshiis dhameystiran,waxaana ka hor yimid caqabado ay ka mid yihiin Qof ay Sharikaddu ka dalbatay in uu ku jiro Wafddiga kana tirsanaa maamulka Siilaanyo laakiin shaqala laga fariisiyay,kaas oo lagu magacaabo Cali xoor-xoor.

Mas’uuliyiinta Sharikadda ayaa soo jeediyay in heshiiska ay galayaan kadib doorashad Somaliland ee bisha saddexaad ee Sanadka soo socda, lana galayaan Xukuumadda cusub ee ay yeelaneyso Somaliland maaddaama xukuumadda hadda jirta uu waqtigeeda dhamaaday.

Wafddigii ka socday Somaliland oo ay hoggaamineysay Wasiiradda Maaliyadda Zamzam Cabdi Aadan,ayaala filayaa in ay maanta dib ugu soo laabtaan Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.