Golaha Wasiirada Koofur Galbeed Soomaaliya oo Arrimo Xasaasi ah ka shiray

0

Golaha wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxa ay ka ka hadleen arimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka deegaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha Wasiirada ayaa isku raacay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed laga bilaabo howgallo xoogaan oo Al-Shabaab lagu la dagaalamaayo.

Waxa ay sheegeen in Al-Shabaab Go’doomiyeen degmooyinka dhowr oo ka tirsan degmooyinka maamulka Koonfur Galbeed , islmarkaana ay muhiim tahay in go’doominta laga dulqaado shacabka kunool degmooyinkaasi oo u baahan gurmad deg deg ah.

Golaha wasiirada ayaa sheegay in la adkeeyn doono ammaanka goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa go’doomiyay deegaano dhowr ah oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed,.