DHAGEYSO:- Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo amaro adag dul dhigay Madaxda Warbaahinta, Fariina u diray beelo ku dagaalamay gobolka Sanaag

0

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid Cadaadi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Maamulkooda uusan u dulqaadan doonin dagaalada maalmihii dambe ka dhacaayay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in loo turo oo aan lagu kor dagaalamin dadka shacabka ah ee ku nool deegaano ka tirsan gobolka Sanaag.

Wasiir Cadaani ayaa beelaha deegaanadaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka isla markaana ay heshiiyaan oo ay nabada qaataan.

Waxa uu tilmaamay in Warbaahinta Hargeysa loogu baahan yahay in aysan buubuunin dagaalka, waxa uuna sheegay in ay talaabo ka qaadayaan cidii buubuunisaa.

Hoos ka Dhageyso Codka:-