DHAGEYSO WAREYSI:- Waxgaradka iyo Nabadoonada gobolka Sh/Dhexe oo ka hadlay Shirka Maanta ka furmaya Jowhar

0

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka furmo shirka maamulka loogu sameynaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu maalinta Sabtiga ah uu ka furmaayo magaalada Jowhar.

Wararka sheegaya in maanta lagu wado xubno ka socda dowladda Soomaaliya in ay gaaraan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe si ay u furaan wajiga Labaad ee shirka maamul u sameynta labada gobol.

Nabadoon Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle oo kamid ah waxgaradka gobolka Shabeelaha Dhexe ee qeyb galaya shirka maanta ka furmaya Jowhar sheegay in waxgaradka gobolka Shabeelaha Dhexe ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb galaan shirkaasi.

Nabadoonka ayaa sidoo kale baaq u diray waxgaradka gobolka Hiiraan oo uu ugu baaqay in ay ka qeyb galaan shirka Maanta ka furmaya Jowhar.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka iyo sidoo kale Wakiilka urur goboleedka IGAD ayaa dhawaan shaaciyay in Maalinta Sabtiga ah oo maanta ku beegan uu  furmaayo shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe maamulka loogu sameynaayo.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran:-