DHAGEYSO: Somaliland oo amartay inanan cid hubeysan lagu arki karin deegaaanaadeeda..

0

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in cid hubeysan aan lagu arki karin deegaanada iyo sidoo kale magaalooyinka maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in dagaal beeleedyo ay ka dhacaan gobolada maamulka Somaliland.

Somaliland ayaa ku hanjabtay in ay tilaabo ka qaadi doono cidwalba oo lagu helo in ay hurinayso dagaal beeleedyada ka jira deegaano dhowr ah oo hoos yimaada maamulka Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan Cabdulaahi Saxardiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha maamulka Somaliland uu amray in tilaabo laga qaado cidwalba oo lagu helo in ay hurinayso dagaal beeleedyo iyo cidwalba oo hubeysan oo ku sugan deegaanada Somaliland.