DHAGEYSO:- Maxkamada Ciidamada ee jubbaland oo Maanta shaqo aan la shaacin ka qabaneyso Magaalada Dooloow

0

Iyadoo Wafdi ka socda Maxkamada Ciidamada ee Maamulka Jubbaland ay ku sugan yihiin Magaalada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta ay Magaaladaasi ka sameeyeen shaqo aan weli la shaacin.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay yihiin kuwa  doonayo in ay ogaadaan qaabka Maamulka gobolka iyo kan degmada Dooloow uu ula shaqeeyo shacabka.

Taliyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Jubbaland Xasan Ibraahim Sheekh Cabdi ayaa ka warbixiyay ujeedka ay Magaalada Dooloow u tageen.

Hoos ka Dhageyso Codka:-