DHAGEYSO:- Madaxweyne Gaas ” Madaxweynaha Soomaaliya Wuu iska hadlay Wuuna qaldan yahay, Puntland Waa 9 Gobol”..

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali “ Gaas “ ayaa si kulul ugu hadlay hadal dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in Puntland ay tahay labo gobol iyo Bar.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu qalad weyn galay isla markaana uu ku xad gudbay Sharafta shacabka Puntland.

Waxa uu xusay in Puntland ay ka Kooban tahay 9 gobol isla markaana warka uu sheegayo inuu been yahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la tixgeliyo Madax banaanida dadka Shacabka Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweynaha:-