DHAGEYSO:- Madaxweynaha oo si kulul ugu hadlay Wadooyinka Xeran ee Muqdisho, Fariin adagna u diray Saraakiisha Hay’adaha Amniga

0

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ka hadlay Wadooyin xiran ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wadooyinka aysan ka xirneyn isku socdoka dadka , laakiin ay ka xiran yihiin Gadiidka oo kaliya.

Ujeeda ugu weyn ee loo xiray Qaar ka mid ah Wadooyinka Caasimada ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sababeeyay amni daro iyo in Cadowgu si fudud ku soo geli karo.

Madaxweyne Xasan ayaa ku adkeeysay in ay furan yihiin Wadooyinka Muhiimka ah  sida Wadooyinka gala Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha, laakiin Wadooyinka Xiran loo xiray sababo amni dadka shacabka ahna loo ogol yahay in ay maraan .

Hoos ka Dhageyso Codka:-