DHAGEYSO:- Gudoomiye Ku Xigeenka gobolka Banaadir oo Fariin Culus u diray Shacabka Degmada Kaxda

0

Gudoomiye ku Xigeenka dhanka Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh oo Maanta ka qeyb galay Xaflad ka dhacday Xarunta Degmada Kaxda ee Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo amaanka guud ee degmada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shacabka degmada Kaxda loogu baahan yahay in ay bixiyaan Canshuurta guryaha.

Sidoo kale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaa amaanka guud ee Muqdisho isla markaana shacabka loogu baahan yahay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amaanka.

Gudoomiye Yabooh ayaa sidoo kale ka hadlay kaalinta gobolka Banaadir eek u aadan taageerada Maamulka iyo Shacabka degmada Kaxda.

Hoos ka Dhageyso Codka:-