DHAGEYSO:- Ganacsatada Galmudug oo War ka soo saartay go’aankii ka soo baxay Puntland

0

Qaar ka mid ah Ganacsada ka dhax shaqeysa Puntland iyo Galmudug ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in ay ka laabtaan go’aankii ay ku joojiyeen gawaarida ka timaada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Kulan ay maanta yeesheen ayay ku sheegeen in dhaawac weyn uu soo gaaray ganacsigood tan iyo markii ay Puntland ay ku dhawaaqday in ay xirtay Xuduudka kala dhaxeysa Koonfurta Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in Gawaari ay leeyihiin ay kula xayiran yihiin Koonfurta iyo sidoo kale deegaanada maamulka Puntland.

Madaxda dowlad goboleed Puntland ayay ka codsadeen in ay ilaaliyaan Soomaalinimada ,islamarkaana ay isku furaan ganacsiga Koonfur iyo deegaanada maamulka Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday in ay xirtay xuduudka ay la wadaagto Koonfurta Soomaaliya sababo amni owgeed.

Hoos ka Dhageyso Codka:-