DHAGEYSO:- Beesha Caalamka oo shaacisay lacagaha ay ugu tala gashay iney ku Bixiso doorashada Soomaaliya

0

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay bixisay dhaqaalihii ay ugu tala galeen Doorashada lagu wado in ay dalka Ka dhacdo bilaha fooda nagu soo haya.

War kasoo baxay  Qaramada Midoobay , Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD , Boqortooyada Engriiska , Mareynkanka  , Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii amba qaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Warka Kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in hore loo ambaxa qaado howlaha doorashooyin , islamarkaana aan lagu mashquulin waxyaabaha doorashooyinka dib u ridikara.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada , waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

” Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay”  ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee  Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya kaleyso Marxaladu kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadar ah looga qeyb qaato.

Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Codka:-