DAAWO VIDEO:-Jubbaland oo fasaxday Qaxooti gaaraya 1,100 ruux oo ku xayirnaa Dhoobley

0

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay fasaxeen Qaxooti badan oo gaaraya 1,100 (Kun iyo Boqol ruux) kuwaasi oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay Maamulka Jubbaland ay ku xanibeen Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Arintaan ayaa timid, kadib markii Maamulka Jubbaland iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka Qaxootiga uu dhexmaray wada hadal ku aadan in Qaxootigaasi la fasaxo.

Wasiirka Arimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay wada hadal wanaagsan inuu dhexmaray UNHCR, wada hadalkaasi oo ku aadan in dadkaan marka hore la fasaxo.

Waxa kale uu sheegay in UNHCR ay ku sheegeen in si deg deg ah muddo todobo Cisho gudahooda ah in loogu baaqo UNHCR, Kenya iyo Dowladda Somaliya si looga wada hadlo arinta ku aadan Mustaqbalka Qaxootigan dalka dib ugu soo noqday.

Wasiir Darwiish ayaa sidoo kale sheegay inta ay ka kulmayaan Dowladda Somaliya, Kenya iyo UNHCR inaan qaxooti dambe oo Somali ah laga soo rarin Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya si go’aano wax ku ool ah ay isugula meel dhigaan dhinacyadan oo ku aadan Mustaqbalka Qaxootiga.

Qaxootiga laga fasaxay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada hoose, ayaa ku sii kala jeeday Deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo deegaano ka tirsan Jubbooyinka.

Jubbaland ayaa ka qaylo dhaaminaysa Dad Somali ah oo gaaraya 15000 oo ruux oo Dhadhaab dib loogu soo celiyay, kuwaasi oo Jubbaland ay sheegtay inaysan haysan wax ay ku noolaadaan, Hay’adihii halkaasi keenayna ay ka dhaqaaqeen.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:-